Axmed Madoobe & James Swan oo ka wada hadlay Saddex qodob

Axmed Madoobe & James Swan oo ka wada hadlay Saddex qodob

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay sii hayaha madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNFPA, UNICEF, iyo FAO.

Kulanka ayaa lagaga hadlay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhismaha kaabayaasha kala duwan gaar ahaan dhismaah buundooyinka ku burburay fatahaadaha, howlgalka ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaano kala duwan iyo guulaha laga gaaray iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo bixitaanka Ciidamada ATMIS.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Wasiiradda arrimaha gudaha, Caafimaadka, Biyaha iyo Haweenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.