Gaalkacyo (Raxanreeb ) – Deegaano ka mid ah gobolka Mudug waxaa ka taagan dagaal beeleed khasaare badan gaystay kaas oo u dhaxeeya laba beel oo ka soo kala jeeda deegaanada Galmudug & Puntland.
Dagaalkan oo muddo qaatay ayaa labada – maamul war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in muhiim ay tahay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka jira gobolka Mudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa loogu baaqay labada beel ee ku dagaallamaya galbeed gobolka Mudug in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka.
Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in dhankeeda deegaannada dagaalka ka socdo u direen masuuliyiin katirsan golayaasha maamulka , waxa ayna codsadeen in loo hoggaansamo guddiyada labada maamul u xil saareen daminta colaada.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed mar kale subaxnimadii hore ee saakay dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.
Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug.
Leave a Reply