Muqdisho (Raxanreeb Online) Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga Caasimadda ayaa lagu soo qabtay Shacab iyo askari ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida, kuwaas oo ku eedeeysan inay jebiyeen amarkii mamnuucayay in rasaas lagu rido dabaaldegyada maalmaha xorriyadda.
Ciidamada ayaa Howlgalkan ku soo qabtay 17 oo iskugu jira Askar iyo Shacab oo ku eedeysan Qal Qalgalin amni.
“Baaritaan socda ayaa lagu ogaanayaa khasaaraha ka dhashay rasaastii xalay si sharci-darro ah loo riday, Eedeysanayaasha waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.
Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa baadi-goobaya tiro kale oo la tuhunsan in ay xerooyin Ciidan ka rideen rasaas.
Ugu dambeyn taliska booliska ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqey inay nala soo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan cid kasta oo amniga lid ku ah.
Leave a Reply