Axmed Madoobe oo godkiisa ay biyo ugu galeen – XOG-CUSUB.

Axmed Madoobe oo godkiisa ay biyo ugu galeen – XOG-CUSUB.

Muqdsho (Raxanreeb )- Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa waxa ka socda shirar ay leeyihin siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada maamul goboleedka  Jubbaland.

Shirarkan oo saacadihii la soo dhaafay bilowday ayaa ah mid lagu doonayo sidii siyaasiinta u hajuumi lahaayeen Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wax ka bedel ku sameeyo Dastuurka.

Siyaasiinta ka qayb galaysa shirarka magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa ayaa qaarkood ka safray   gobolka Gedo halkaas oo lagu kala qaybsan yahay talaabada uu qaaday Axmed Madoobe.

Qodobo 70 aad oo wax laga bedelay ayaa u ogolaanaya Axmed Madoobe in markale uu isku soo sharaxo hoggaanka Jubbaland  maadama la gudagali rabo doorashada madaxtinimada Jubbaland.

Cabsi badan ayay siyaasiinta kulansan ay ka qabaan suurtagalnimada in markale uu hoggaanka Jubbaland uu qabto Axmed oo in ka badan 12 sanno ku fadhiya maamul goboleedka Jubbaland.

Abaabulo ka dhan ah Axmed Madoobe ayaa hadda socda, waxaana la ogayn waxa rasmi ah ee ka soo bixi doono ololahan ay wadaan siyaasiinta maadama ay jiraan xubno aad u taageersan Axmed oo fadhigooda uu yahay Gedo.

W.Q Hanad Ali Guled.

Raxanreeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.