Yaa u sabab ah  in maanta uu baaqdo  fadhiga Golaha shacabka ?

Yaa u sabab ah  in maanta uu baaqdo  fadhiga Golaha shacabka ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta waxaa baaqday Kulankii Golaha Shacabka  sabab la xiriirta   Kooram la’aan.

Fadhigiina maanta , waxaana soo xaadiray 103 Mudane oo ka mid ah Golaha shacabka ee Barlamaanka  Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka labaad  ee  Golaha Shacabka Soomaaliya  ayaa sheegay in la yeeri doono magacyada Xildhibaanada soo xaadiray kuwii aan soo xaadirina talbaba laga qaadi doono.

Guddoomiye Cabdullaahi Abshiroow ayaa sheegay in aysan isku xuquuq noqon doonin bishaan Juun Xildhibaanada soo xaadira kulamada iyo kuwa iska maqnaado fasax la’aan.

Waxa uu digniin u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka xildhibaanada inta badan iska maqan ee aan imaan gabi ahaanba fadhiyada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.