Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Kismaayo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.

Kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay.

Sidoo kale kulanka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle ayaa waxa ay ka wada hadleen “sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin iyo daawo ah.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle ayaa wada safarro uu ku kala tagay Xarumaha Dowlad Gobaleedyada Dalka, halkaas uu ka dhagaxdhigay xarunta gurmadka Qaran, isaga oo horay ugu dhagax dhigay Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.