Odayaal Reer Xaaji Saleebaan oo la macaamil Al- Shabaab oo la xukumay

Odayaal Reer Xaaji Saleebaan oo la macaamil Al- Shabaab oo la xukumay

Muqdisho ( Raxanreeb ) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Shan Sano oo Xabsi ciiidan ku xukuntay Odayaal heshiis kula galay Alshabaab degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Odayaashan ayaa maalmahan waxa ay Maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho , ka dib markii laga soo xiray deegaanada Galmudug.

Odayaashan Maanta oo Axad ah la xukumay ayaa ka hor yimid sida Maxkamadu ay sheegtay amar ka soo – baxay Dowladda kaas oo la xiriiray in aan lala macaamiili karin kooxda Al- Shabaab.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ka hor inta aan lagala wareegin  16-kii Bishii January ee sanadkan 2023.

Leave a Reply

Your email address will not be published.