BAARDHEERE : 10 oo ku geeriyootay roob dabaylo wata oo halkaas ka da’ay.

Home » BAARDHEERE : 10 oo ku geeriyootay roob dabaylo wata oo halkaas ka da’ay.

Baardheere (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Roob Dabeylo wata  saacadii la soo dhaafay uu ka da’ayay gobolka ay sababeen khasaare dhimasho iyo burbur guryo, waxaana kasoo baxayay warar kale duwan oo ku aadan.

Degmada Baardheere ayaa  lagu soo waramayaa in Roob xooggan oo ka da’aya xaafadaha degmada ay sababatay geerida 10 ruux, kuwaas oo u badanaa dhallinyaro, waxaana sidoo kale ku jira Caruur  oo intaba ay waxyeeleeyeen Dabeylaha xooggan iyo  Roobka is watay.

Maamulka degamada ayaa sheegay in Roobab xooggan oo da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, haddana ay wadaan gurmad lagu samatabixinayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Roobka iyo Dabeylaha iswata ee ka da’ayay degmada.

Roobka oo Biyo dhigay xaafadaha degmada Baardheere ayaa dhalinyarada ku geeriyootay oo gaaraya ilaa 10 Ruux oo ay Carruur kujiraan ayaa ku dhacay meel tog ah ama Biyo galeen ah oo kutaalla degmada Baardheere.

Roobkan Dabeylaha wata ee ka da’ayay qeybo kamid gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Abaar baarsan oo dadka iyo duunyada saameysay ay ka jirtay inta badan gobolka, Roobka xilliga Gu’a ayaa inta badan ka curtay gobollada dalka ee Koonfurta iyo gobollada  Waqooyi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.