Dagaal  culus oo  lagu qaaday Saldhig milatari iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Balcad (Raxanreeb )  Wararka RBC uu ka helayo degaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas maanta dagaal uu ka dhacay  ,kaas oo gaystay khasaare dhimasho & dhaawac.

Weerarkan ayaa ka dhacay sida  lagu soo waramayo xero ciidan oo ku taalla deegaanka Daaru-nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay ku ekeeyeen , xero ciidan oo ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadda dowladda ayaa la sheegay iney iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan oo labada dhinac kala gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney duulaankan ku dishay 20 askari, 10 kalena ay ku dhaawacday, waxeyna warkooda sii raaciyeen iney gubeen laba gaari.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan saakay lagu soo qaaday ciidanka huwanta ah ee ku sugan deegaanka Daaru-nimca iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.