Soomaaliya: “Arrinta deyn cafinta ma ahan mid la siyaasadeyn karo waa arrin qaran”

Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegtay, in Soomaaliya ay ka gudubtay qiimeynta heerka shanaad ee hannaanka deyn cafinta.

Qoraal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka samaysay dhinacyada shuruudda looga dhigay deyn cafinta, taasoo la filayo in la soo gebagabeeyo dhammaadka sanadkan.

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa BBC-da uga warramay waxa ay ka dhigan tahay tallaabadan.

“Waxaanu jecelanahay in walaalaheen iyo maamuladeena inay fahmaan arrinta deyn cafisku inay tahay arrin qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan wada taabaneysa , arrin la siyaasadeyn kara aysan aheyn , ma aha qaabka ay u socoto deyn cafiska ma aha mid cidna wax u dhimaya cidna wax u kordhinaya, wax la dhaliili karo Meesha kuma jiro”, ayuu yiri wasiirka.