Baarlamaanka cusub ee Puntland oo kulmay iyo ammaanka oo la adkeeyay.

Baarlamaanka cusub ee Puntland oo kulmay iyo ammaanka oo la adkeeyay.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland maanta oo Isniin ah waxaa waxaa lagu dhaariyay xubno cusub oo ah Barlamaanka cusub ee maamulkaas kuwaas oo bedeli dooni kuwii hore

Qoraal kooban oo ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa lagu wargeliyay xubnaha cusub in soo xaadiraan munaasabadda dhaarinta Baarlamanka.

“Waxaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan munaasibadda dhaarinta xildhibaanada cusub”.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo xullista xildhibaannada cusub ayaa ku dhawaaqay liiska 66-xildhibaan oo noqonaya golaha cusub ee wakiillada Puntland, xildhibaannadan ayaana lagu wadaa in 8-da bishan soo doortaan madaxweynaha Puntland.

Warbaahinta madaxa bannaan ayaa loo diiday tabinta shaacinta liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland, iyadoo kaliya loo ogolaaday warbaahinta dowladda.

Ammaanka xarunta golaha Wakiillada Puntland iyo guud ahaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Garawe ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada la keenay ciidamo cusub si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.