Dhuusamareeb (Raxanreeb) Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug, iyaga oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Ajandihiisa waxa uu ahaa wax ka baddel lagu sameeynayay Dastuurka Galmudug, waxaana Xildhibaannada ay cod gacantaag ah ku ansixiyeen in muddo xileedka Madaxweynaha & Xukuumadda uu noqdo muddo 5 sano ah oo ka bilaabaneysa markii la doortay.
Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay inay ansixiyeen 56 mudane in muddo xileedka Madaxweynaha oo ahaa Afar Sano laga dhigo muddo 5 sano ah.
Muddo kordhinta Maanta ay Baarlamaanka Galmudug u sameeyeen Madaxweynae Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa socotay muddooyinkii la soo dhaafay, iyada oo siweyn looga dareemayay Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxda maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle ayaa hore u sameestay muddo korarsi noocaan ah, illaa haddana dowladda Soomaaliya ma caddeynin mowqifkeeda ku aaddan muddo kororsiga madaxda maamullada.
Leave a Reply