MD Xasan Sheekh Caleema saarka Ruto ka dib muxuu yahay qorshihiisa ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa ka mid ah madaxda maanta oo Talaada ah ka qayb galaysa caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee Kenya Mr Ruto.

Dhamaadka Caleemka saarka Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalkaas oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal , waxaana si gaar ah diirada loo saari doona Khadka Kenya ay ka soo dejiso Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya William Ruto ayaa dhigiisa Soomaaliya kala hadli doona dhamaystirka Heshiiska u dhaxeeya labada dal oo qayb ka mid ah uu saxiixay Madaxwayne Uhuru Keyatta.

Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Madaxwayne Uhuru ayaa hore uga wada hadlay isla markaana u kala saxiixday 11 qodob oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, sida in meesha laga saaro caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku-galka Kenya.

Madaxwaynaha Kenya William Ruto ayaa goor sii horeysay sheegay in dhigiisa Soomaaliya uu kala hadli doono arrimaha khaadka caqabada ka taagan ee u baahan in si deg deg ah loo xaliyo.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u xumaa , shantii sanno ee dalka maamulayay Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xitaa labada dal safiiradooda u kala yeerteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.