Barlamaanka Puntland oo dib u dhigay meelmarinta xeerka doorashada

Barlamaanka Puntland oo dib u dhigay meelmarinta xeerka doorashada

Garoowe (Raxanreeb ) Buuq badan ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhashay in Barlamaanka maamulkaas uu dood ka yeesho oo uu meel mariye xeerka doorashooyinka Puntland ee xukuumadu ay soo gudbisay.

Waxaa la arkayay xildhibaano badan oo aad dood uga keenay dib u dhigida xeerkan waxaa sidoo kale gacan ka hadal uu ka dhashay furitaanka Barlamaanka oo waxa la arkayay xildhibaano isu  gacan qaadaya.

Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku dhaawaqay in maalinta Axada ah Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka , maadama maanta uu ka dhashay  buuq iyo gacan ka hadal.

Guddiga Xildhibaanada ah ee loo xilsaaray akhrinta iyo ka shaqeynta Xeerka doorashooyinka Puntland ayaa Ku taliyay in la hakiyo xeerka doorashooyinka ”inta laga xalinayo xaaladaha nabad galyo ee taagan.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa golaha la wadaagay in La tashi guud kadib, maalinta Axad ah ( 26-Nov, 2023) Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.