BAYDHABO : Dadkii ugu badnaa oo lagu xiray xabsiyada Koonfur Galbeed.

BAYDHABO : Dadkii ugu badnaa oo lagu xiray xabsiyada Koonfur Galbeed.

Baydhabo (Raxanreeb )- Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ee ku  sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa  gacanta ku soo dhigay tiradii ugu badnaa oo dhallinyara ah  kuwaas oo ay ku eedayanayaan ku lug lahanshaha falal amni darro.

Dadkan  ayaa inta badan laga soo qab qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo halkaas oo saacado badan ay ka socdeen howlgal amniga ay ku sugayaan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadkan loo haysto amni darro maalmihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxa ay sheegeen Hay’adaha amniga inay wadaan  baaritaano ay ku kala saarayaan shaqsiyaadka ay gacanta ku soo dhigeen kuwaas oo  hadda lagu hayo xabsiyada magaalada Baydhabo.

Dad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay  Raxanreeb in dadka la qabtay intooda badan ay ahayaeen dhallinyarada xaafaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Saraakiisha amniga magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga xaafadaha magaalada. Maalmo ka hor magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka dhacay falal amni daro ka dib markii kooxda Al- Shabaab ay weeraraan  xaafadaha  masuuliyiin  ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed

Leave a Reply

Your email address will not be published.