Waddooyinka Muqdisho oo saaka gabi- ahaan xiran &  Ismaciil Geele oo imaanaya dalka.

Waddooyinka Muqdisho oo saaka gabi- ahaan xiran &  Ismaciil Geele oo imaanaya dalka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa xiran waddooyiin muhiim u ahaa shacabka oo ay ka midtahay: Wadada Maka-Almukarama oo aan la ogoleyn xitaa in dadka ay lugeeyaan.

Gaadiidka Beebaha ayaa lagu jaray isgoysyada Dabka, Shaqaalaha, Xaaji-baasto, Taleex, KM4 iyo Zoobe.

Luuq kasta waxaa fadhiya askari amar lagu siiyay in dadka ay celiyaan inta aysan laamiga soo gaarin.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo  maanta imaanaya dalka ayaa ah ujeedka loo xiran waddooyinka caasimadda si xarigga ugu jaro dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu maanta xiran yahay oo laga joojiyey duulimaadyada, sabab la xariirta wafuudaan imaaneysa dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.