Muqdisho (Raxanreeb) —Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kumeel gaar ah, u hakisay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaa oo ka socda Muqdisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay in muddo dhan saddex maalin ay hakiyeen ciyaaraha, kaddib weerar Jimcihii lagu qaaday ciyaartoyda maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay Bas saarnaayeen, kuwaas oo dhaawacyo loo geeystay.
Warqadda kasoo baxday Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu canbaareeyay falkaasi foosha xun, ee carada xooggan ka dhalatay iyadoo Koonfur Galbeed ay shaacisay inay isaga hareen tartarka maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir.
“Haddaba waxaan idinku wargelineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo sadde maalin ah” ayaa lagu yiri.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la ciyaari doono 16 ka bishaan Janaayo, oo ku beegan maalinta talaadada ah.
Taliyaha booliska Janaraal Sulub Axmed Firin, ayaa xalay ka hadlay munaasabad ballaaran oo lagu qabanayay Xabsiga Dhexe, taas oo uga hadkay ciyaaraha dhacdadii shalay oo uu ku tilmaamay wax aad looga xummaado.
“Ciyaartii maanta dhacday waxaa ka dhacday fowdo waxaa la dhagax tuuray ciyaartoy waxaa la jajabiyay baskii sabab ay ku dhacdayne lama yaqaano ciyaartii waa dhammaatay” ayuu yiri taliyaga booliska Sulub Axmed Firin.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in taliska booliska Soomaaliyeed sameeyn doonaan baaris rasmi ah, oo ku aadan ee weerarka lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed.
“Baaris ayaa la sameynayaa ciidanka Booliska kolley shaqadooda way qabsan doonaan, haddii Alle idmo waana la baari doonaa, sida uu dhacay kiiskaasi.
Sannadkii 2020-kii ayay ahayd mar sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaar sidan oo kale ah, maamul goboleedyada taas weerar lagu qaaday bas ay la socdeen.
Ciyaaraha gobollada ayaa intooda badan sannadkan ka dhacaan waxyaabo amniga liddi ku ah, taas oo booliska iyo hay’adaha amniga Wasaaradda Ciyaaraha Xiriirka Kubbadda Cagta, ay weli xakameyn la’yihiin.
Shalay, Garoonka Stadium Muqdisho, waxaa ka dhacday arrin muran badan dhalisay taasoo ahayd dad badan oo usoo daawasho tagay ciyaaraha lagana qaaday lacagtii Tikidyada ee qeeybta VIP,da oo loo diiday markii danbe albaabka laga xirtay.