Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay badda Soomaaliya

Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay badda Soomaaliya

Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay.

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.

Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published.