Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii xalay saqdii dhexe ee loo adeegsaday hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada Muqdisho.
Laamaha amniga ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, saddex ka mid ah, waxaa la sheegay in ay ku kala dhaceen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, halkaasna uu khasaare ka dhashay.
Hal askari ayaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble, oo shirjaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo culus oo laga sameeyay gudaha caasimada.
Hubkan ayaa oo la tusay dhammaan Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla gudaha Muqdisho.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in illaa iyo 140 xabo oo hoobiye ah gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna shacabka uga baaqay in amniga ay ka qeeyb qaataan.
Muqdisho, ayaa amnigeeda soo hagaagayay muddooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo ay socdaan dedaallo xooggan oo haya’adaha amniga ay xal ugu raadinayaan amniga caasimadda, Muqdisho.