Adis Ababa (Raxanreeb )- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in amniga Soomaaliya gacanta ay ku hayaan ciidankeeda inta badan , taas oo ka dhigan in kaalin ay ku leeyihiin xaaladda Soomaaliya.
Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo Waraysi siiyay Warbaahinta EBC ayaa ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya.
Taliyuhu waxa uu ugu horreyn sheegay in Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay gacanta ku ku hayaan 60% Dhulka Soomaliya oo ay nabaddiisa ilaalinayaan.
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay sababeen in Dowladda Soomaaliya ay fadhi ka dhigato Muqdisho.
Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya wakhti wali ay taagan tahay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo daba socotay heshiiskii is afgarad ee billowgii sannadkan ku dhex maray Addis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Leave a Reply