Muqdisho (Raxanreeb ) Boliiska Soomaaliya ayaa mamnuucay in bannaaanbax Muqdisho lagu qabto wargelin la’aan sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska Soomaaliyeed.
War qoraal oo caawa kasoo baxay taliska ciidanka booloiiska gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan-baxyo aan loo marin hab-raac ah sax ah.
‘’Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax ‘’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Booliska.
Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.
Mamnuucida dibad-baxyo in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawwaan magaalada Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay ka dhigeen dad kasoo horjeeda xarig ciidanka dowladda u geesteen Jeneraal Sheegow.
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay in ay ka hor imaanayso Dastuurka KMG ah ee dalka iyo xuquuda Aadanaha oo labadubu dadka siinaya xuquuq aas aasi ah oo ay ku muujin karaan , dareenkooda iyo tabashada ay ka qabaan Dowladda
Leave a Reply