Booliska Soomaaliya oo digniin adag u diray Haweeney dishay gabar shaqaale ka ahayd gurigeeda

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliska Booliska Soomaaliya ayaa digniin u diray odayaal dhaqan oo la sheegay inay hor taagan yihiin maxkamadaha dalka, kuwaas oo doonaya inay xeer dhaqameed ku xaliyaan kiiska gabar 7-sano jir ah oo maalmo ka hor lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in booliska Soomaaliya aysan yeelin doonin in kiis dambe oo gacanta lagu hayo qofkii ku geystay aan lagu xali doonin xeer-jajab.

Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan haweeneydii qiratay inay dishay gabadhaas yar ee shaqaalaha u ahayd, sidoo kalena uu meesha ku jiro dembi kale oo ah in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin.

“Xeerkeena dhaqanku ma xuma, laakiin malahan cidii qaadan laheyd dembiga, sharciga dalkaan wuxuu dhigayaa in la helo cid qaada masuuliyadda dembigii dhacay, marka dembiyada dhacaya dhaqan in lagu xaliyo uma rabno,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku sii daray in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin, sida sharciga dalku dhigayo, balse hadda uu dil meesha yimid, taas oo qasab ka dhigeysa in dembigaan lagu xaliyo garsoorka dalka.

“Waxaan ka digeynaa in xeer dhaqameed lala soo aado dembiyada noocaan ah, sababta ay u soo laalaabanayaan waa sida loo xaliyo, waana u digeynaa odayaasha doonaya inay dhaqan iyo xeer-jajab ku xaliyaan kiiskaan,” ayuu yiri Afhayeenka Boosiska Soomaaliya.

Haweeney loo heysto dilka gabar yar oo 7-sano jir ah, isla markaana uu boolisku shaaciyey inay qiratay dilkaas iyo seygeeda ayaa la soo xiray maalin ka hor, wuxuuna booliska Soomaaliya ku adkeysanayaa in kiiskaan sharciga la marsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.