Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo maalmihii ugu danbeeyay kordhisay fulinta toogashada ah ayaa lagu wadaa in 60 cisho ee soo socdo ay soo gabagabeyso xubnaha Al-Shabaab ee toogashada lagu xukumay.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay saraakiisha maxkamadda inuu amray in la dadajiyo dilka xubnaha Al-Shabaab ee horey xukunnada toogashada loogu riday, balse aan lagu fulin xilligii Madaxweyne Farmaajo.
Sida uu ogaaday Raxanreeb illaa 26 xubnood oo katirsan Al-Shabaab, isla markaana ah dil sugayaal ayaa maalmaha soo socdo la geyn doono tiirka, si loo qisaaso.
Qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ah in labada bil ee ka harsan sannadkan 2022-ka in lagu dhammeeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Guud ahaan dadka dilka ku xukuman ayaa gaaraya illaa 119 qof, 90 ka mid ah ayaa rayid, halka 29-ka soo harayna oo 4 toogashadooda la fuliyay ay yihiin xubno katirsan Al-Shabaab.
Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo malleeshiyaadka Macawisley.
Si kastaba, xukunnada toogashada ah ayaa waxaa inta kasoo horjeesta dalal reer galbeedka iyo hay’adda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo aad u cambaareeya fulinta dilalkaasi.
Leave a Reply