Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markale ku guuleeystay doorashada madaxweynaha Masar

Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markale ku guuleeystay doorashada madaxweynaha Masar

Qahira (Raxanreeb) — Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn.

Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sanadkii 2014-kii – isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay.

Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018. Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo.

Dhaqaalaha Masar ee sii xumaanaya iyo dagaalka Gaza ayaa xuddun u ahaa arrimaha doorashada.

Haddaba waxaay doorashadani ug adhigantahay dadka reer Masar iyo waxqabadka laga fili karo Madaxweyne Siisii muddo xileedkiisa cusub ayaa waxaa ka warramaya Nimcaan Caydiid oo ku takhasusay arimaha Carabta iyo Afrika kuna sugan magaalaad Qaahira.

BBC