Cabdirashiid Janan & masu’uuliyiin kale oo abaabul xoggan kawada Gedo

Doolow (Raxanreeb) — Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, Xildhibaan Senoter Fartaag iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah ku yeeshay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiintaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka gedo ayaa kulankooda waxaa ay kaga hadleen xaaladda amni ee Gobolka Gedo iyo sidii loo bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa wadatashi dher ka yeelannay sidii Gobolka gedo looga abaabuli lahaa Ciidamada macawiisleyda si ay gobolka Gedo uga bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si lamid ah Gobolada kale ee dalka.

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, Xildhibaan Senoter Fartaag iyo mas’uuliyiinta kale oo Gobolka Gedo dhinaca Kenya kasoo galay ayaa imaanshahooda Gobolka xiisad ay ka dhalatay, wallow hadda la xaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.