Masu’ul sare oo lagu toogtay Afgooye

Afgooye (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay mas’uul sare ee oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye lagu dilay degmadaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha dhallinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiye waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye.

Kooxda dilka fulisay ayaa marxuumka ka toogatay qaybaha sare ee jirka, waxayna kadib ka baxsadeen goobta oo ay markii dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa war kasoo saaray geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.

Cabdullaahi ayaa sheegay in Marxuum Maxamed uu ahaa nin dhallinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana howlo muhiim ah u hayey shacabka degmada Afgooye.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. (ASWT) Ha u naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada, waxa uu ahaa nin Dhallinyaro ah oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Jannatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.