Cabdiraxman Cabdishakur ” Waa in awood la isaga dhiciyaa DFS “.

Cabdiraxman Cabdishakur ” Waa in awood la isaga dhiciyaa DFS “.

Muqdisho (Raxanreeb )-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kana mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka falceliyay burburinta Deb- damiska ee Muqdisho.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sida tan.

“Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo fagaay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen. Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno lagu laalushay,

Ma jiro xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha. Ma jiro garsoor madaxbannaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aaigka Madaxweyanah, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda. Waxaa dhulka laga iibiya, la siiyaa ama laga kireeyaa ciddii Madaxweynaha la shirko ah, taageersan, ama qaraabo la ah.

Waxaa banaan in la helo;

1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago

2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.

3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.