Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Deni

Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Deni

Garowe (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo mar kale isku soo taagay xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa weerar culus oo dhanka afka ku qaaday madaxweynaha hadda talada haaya ee mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Gaas, oo ka hadlay xaflad uu ku qabsaday Garowe, ayaa sheegay in madaxweyne Deni, uu dib u dhigay horumarka maamulka Puntland.

“Waxaan ka tegay Puntland xasiloon siyaasad ahaan, qaanuun ahaan iyo ummad ahaan-ba, 5 sano kadib waxaan u imid Puntland oo dadkeedii kala irdhoobeen, Puntland oo ciidan-keedii la iska horkeenay, Puntland magaalooyinkii ugu muhiimsanaana laga qaxayo” ayuu ka yiri xafladda Gaas.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday Cabdiweli Gaas, khilaafka adag ee ka kala dhaxeeya Puntland, iyo Dowladda Federaalka, sidoo kale wuxuu sheegay in Puntaland, ay ahayd hoggaanka maamullada dalka ka jira, maantana aan wax wadatashi ah, lala sameeyn arrimo badan oo masiiri ah, iyadoo ay dhacayaan isbaddello waa weeyn.

“Puntland waxay ahaan jirtay hoggaanka maamul goboleedyada Soomaaliya, waxayna qayb ka ahayd dhammaan aragtiyada lagu maamuuso Soomaaliya, nasiib darro maanta waxba lagama weydiiyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri.

Cabdiweli Gaas, ayaa sidoo kald xusay in Puntland, ay u baahan tahay isbaddelo dhan ah, xilligan si ay u hesho madaxweyne ka sama-bixin kara xaaladda adag ee haatan ay ku jirto Puntland.

“Hoggaaminta Puntland ee waqtigan waa ka muhuumsan tahay doorashooyinkii hore waayo Soomaaliya waxaa ka socda isbeddello waa weyn oo ay kamid yihiin cunaqabateyntii hubka oo la qaaday, goleyaasha JFS oo lagaga doodayo dhammeystirka Dastuurka” ayuu raaciyay mar kale Cabdiweli Gaas.

Si kastaba hasa yeeshee Punland, ayaa ku jirta xaalad adag oo dhanka doorashada taasoo ay isku mari la’yihiin madaxweyne Deni iyo Mucaaradka.

Dhanka kale 17-ka xildhibaannada SSC- Khaatumo ayay muran adag ka taagan tahay iyadoo SSC dhowaan loo aqoonsaday maamul cusub oo ka madax bannaan Puntland, iyo Somaliland.

Deni, ayaa soo xushay 17-ka xildhibaan oo ku matali lahaa SSC-khaatumo, iyadoo ay horey si cad u diideen Isimada iyo Cuqaasha dhaqanka ee SSC, in ay qeeyb ka noqon doonin doorashada ka billaan rabta Puntland.