Cabsi laga muujiyay xiriir ay yeelan rabaan Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo…

Cabsi laga muujiyay xiriir ay yeelan rabaan Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo loo yaqaan Xuutiyiinta, ayaa sii xoojineysa xiriirka ay la leeyihiin labada kooxood ee Soomaaliya ka dagaallama ee Al-Shabaab iyo Daacish Soomaaliya.

Khubaro amni iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in xiriirkan uu keeni karo in kooxahaasi helaan hub casri ah, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee drones-ka, kuwaas oo Xuutiyiintu si ballaaran ugu adeegsadeen weerarro ay ka fuliyeen Badda Cas.

Ilaa hadda, Al-Shabaab waxay drones-ka u adeegsan jirtay kormeer iyo xog ururin, balse kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in kulammo dhacay 2025 ay Al-Shabaab ka codsatay Xuutiyiinta hub horumarsan iyo tababar, taas oo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah.

Xeebaha dhaadheer ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara tahriibinta hubka iyo qalabka milatari, taas oo sahleysa in qalab iyo tignoolajiyad casri ah ay gaaraan kooxaha hubeysan. 

Leave a Reply

Your email address will not be published.