Istanbul (Raxanreeb )- Turkiga ayaa maanta joojiyay dhoofinta qaar ka mid ah badeecooyinka loo dhoofiyo YH ,badeecooyinka la joojiyay waxaa kamid ah aluminium-ka, birta, sibirka iyo qaar kale.
Wasaaradda ganacsiga Turkiga ayaa sheegtay in Israa’iil ay sii waddo “inay si bareer ah ugu xad gudubto sharciga caalamiga ah”, iyadoo iska dhego tirtay baaqyada xabbad joojinta iyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee GZ.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa shalay sheegay in Turkigu uu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil ka dib markii Israel ay diiday in Turkiga uu ka qaybqaato gargaarka hawada ee la gaarsiinayo dadka GZ.
Dhanka kale
Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay Isniintii in la go’aamiyey xilliga la fulinayo hawlgalka magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gaza, hase ahaatee ma shaacinin taariikhda rasmiga ah.
Maraykanka ayaa isla markiiba ku gacan sayray warka ka soo yeedhay Netanyahu.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa, xilli ay magaalada Qaahira ka socdaan wadahadallo u dhexeeya mas’uuliyiin ka kala socota Israa’iil, Xamaas, Maraykanka, Qatar iyo Masar,
Leave a Reply