Beledwayne (Raxanreeb ) Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in xaalad adag ay wajahayaan Qoysas badan oo ku nool magaalada Beledwayne , halkaas oo ay ka jirto fataah aad u daran oo saameysay dad badan
Madaxwaynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xusay in wax aka jira magaalada Beledwayne ay ku tilmaami karaan masiibo bani’adanimo
Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa Cali Guudlaawe ayaa meel biyo baxa ka jirta oo Beledwayne ah ka yiri‘’ Gacan ayaa siin doonaa Qoysaska saamaynta ay ka soo gaartay fataahadaha’’
Waxaa ku wehliyay Cali Guudlaawe booqashadiisa goobaha fataahadaha ay ka jiraan ee Beledwayne Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay.
wuxuu ugu baaqay Guudlaawe, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle.
Leave a Reply