Guudlaawe oo bedelay Guddoomiyihii Hiiraan & xiisad wali kacsan.

Guudlaawe oo bedelay Guddoomiyihii Hiiraan & xiisad wali kacsan.

Beledwayne (Raxanreeb )- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa  isbeddel ku sameeyay Maamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay gudoomiye cusub.

Cadulaahi Axmed Maalin Sufurow oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xilka laga qaaday waxaana la magacaabay  Muuse Salaad Wehliye in uu noqdo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye ayaa ahaa wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Talaabadan uu qaaday Cali Guudlaawe ayaa ku soo aadeysa xili masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabelle ee goboolka Hiiraan dhowaan dagaal looga saaray magaalada Baladweyne.

Lama oga magacaabista guddoomiyaha cusub waxa ay ka badali doonto xaalada magaalada Baledweyne oo ay haatan gacanta ku hayaan gabi ahaanteed ciidamada maamulka la baxay Hiiraan State ee diidan jiritaanka Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.