Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay furimaha dagaalka si uu ciidamada kala duwan ugu dhiirigeliyo in ay sii xoojiyaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.
Labada Gobol oo ay ka kooban tahay Hir-shabeelle ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa ka socda dagaal ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka.
“Aan kawada qeyb galno howlgalka dabar-goynta Khawaarijta, waa lagama maarmaan difaaca sharafka muwaadinka.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu baaqay Ciidamada inay adkeysi muujiyaan si ay u soo hooyaan taariikh cusub xilli isku-dayadii Khawaarijta la fashiliyey.
Leave a Reply