Cali Jayte “Sax ma ah in Beelaha Soomaaliyeed ay nagu fiirsadaan dagaalka Al- Shabaab “

Beledwayne ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte oo safka hore kaga jira dagaalka Hiiraan ee ka dhanka ah Al- Shabaab ayaa sheegay in cagta ay marin doonaan kooxda .

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Hiiraan in aan la aqbali doonin marnaba in Hiiraan ay ku sugnadaan kooxda Al- Shabaab oo uu yiri waxa ay dhibaato sanado badan ay ku hayaan shacabka.

Waxa uu soo hadal qaaday Guddoomiyaha Hiiraan in beelaha qaar dusha ay ka eeganayaan dagaalka dadka shacabka ee Hiiraan ay kula jiraan kooxda Al – Shabaab , taas oo uu xusay in ay tahay wax laga xumaado.

“Ciddii nagu fiirsata dagaalka Alshabaab annaguna waa ku fiirsan-doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte isagoo ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgalada.

Waxa uu ugu hanjabay Al- Shabaab inuusan u ogolaan doonin in ay ku noolaadaan taako ka mid ah Soomaaliya.

Cali Jeyte ”Qof ka mid ah Alshabaab inta uu noolyahay aniga ma dhimandoono, sababtoo ah in aan ka sheekeeyo ayaan rabaa” ayuu raaciyay hadalkiisa Guddoomiyaha.

Hadalkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Hiiraan mar uu la hadlayay ciidamo ka mid ah , dowladda iyo kuwa deegaanka oo ku guda jira howlgalada lagu doonayo in Al- Shabaab looga adkaato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.