Cali JAYTE ”Dhabihii  Wajiga labaad ee dagaalka  Al- Shabaab waa laga leexday ”

Cali JAYTE ”Dhabihii  Wajiga labaad ee dagaalka  Al- Shabaab waa laga leexday ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  ayaa sheegay inuu aad u suluugsan yahay sida uu u socdo qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku wajahayso , wajiga labaad ee dagaalka Al- Shabaab.

Guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegay in  Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku harsan  tahay keliya  sidii loola imaan lahaa qorshaha wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al- Shabaab.

Waxa uu sheegay Cali Jayte in  laga leexday , wadadii uu ku socday howlgalka , haddana aan u socon sidii uu ku bilowday markii hore oo ahaa mid dar dar leh.

‘’Waa ka haray aniga howlgalka ‘’ ayuu sheegay Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jayte oo aad u dhaliilsan sida Dowladda Soomaaliya u wado qorshaha dagaalka Al- Shabaab.

Madaxda saree e Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Cali Jayte , in ay ka meermeerayso in ay la imaato  qorshe cad oo lagu bilaabayo howlgalada ka socda meelo badan oo dalka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore loogu dhaliilay qorshaheeda wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo shisheeye oo ka socda dalalka safka hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.