Cali Jeyte iyo xildhibaano soo gaaray Muqdisho

Cali Jeyte iyo xildhibaano soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Waxaa caasimadda Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaannada kala ah Maxamed Cabdikhaadir Maxamed, Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo katirsan Golaha Shacabka FS, iyo Xildhibaan Guhaad Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabelle .

Mas’uuliyiintani ayaa magaalada Muqdisho u yimid dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee kasocda degaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan, iyo adkeynta amniga degaannadii lagala wareegay Ururka Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Cali Jeyte iyo Xildhibaannada ay la kulmi doonaan Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhameystiri lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ee Hiiraan iyo sidii dowladda Soomaaliya u sii laba jibaari laheyd kaalinta ay ku leedahay.

Wararka kale aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxda sare ee dowladda ay Muqdisho ugu yeereen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan sidaasna uu ku yimid, iyaga oo kala hadli doona dhacdadii dadka badan ay ka caroodeen ee mid lagu dilay midna lagu dhaawacay laba Carruur ah oo uu dhalay Sarkaal katirsan Al-Shabaab iyo in aan la beegsan karin qof Shacab ah.

Dhowaan ayay ahayd sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab carruur uu dhalay xilli habeen ah lagu weeraray hoygooda halka midka la dilay midka kale la dhaawacay halka wararku qaar sheegayaan in xaniinyaha lagala baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.