Ururka Shabaab laga saaray deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Marka (Raxanreeb ) Ciidanka  maamulka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in saaka Al- Shabaab ay ka saareen deegaano dhawr ah oo ka tirsan Shabeellaha  Hoose halkaas oo  in muddo ah ay maamulayeen kooxda.

Howlgal ay horkacayeen xubno isugu jira saraakiil ciidan iyo masuuliyiinta gobolka gobolkaas ayaa loogu itaal-roonaaday in Al- Shabaab laga saaro deegaano badan oo shabeellaha hoose ah.

Deegaanada Al- Shabaab saaka la sheegay in laga saaray ayaa kala ah , Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare, Culo biyoole, Gabaherig, Goobaale oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawiishta koonfurgalbeed ayaa howlgalka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.

Saraakiil ka tirsan maamulka  Shabeellaha hoose ayaa sheegay in qorshahooda keliya aysan ahayn in ay ku sugnadaan deegaanadaas balse ay qorshaynayaan in ay gaaraan meelo badan oo – kooxda ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.