Cali Jeyte: qof kasta oo diida in lala dagaallo Al-Shabaab Shabaab ayaan u aqoonsannahay

Baladweyne (Raxanreeb) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shalay Hiiraan ugu khudbeeyay ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si adag uga hadlay dad uu sheegay inay xagal daacinayaan howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa sheegay in wax badan ay khaldameen, balse ay ku howlan yihiin sidii loo sixi lahaa, “Cid kasta oo cadowga in lala dagaallamo ka hor timaada Al-Shabaab ayaan u aqoonsanahay,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay galeen halgan dheer, isagoo aad ugu mahad celiyey taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaalka ku garab siiyay, Jeneraal Biixi oo goobta ku sugnaa iyo Taliye Odawaa ayuu aad ugu mahad naqay.

“Waxbaa naga khaldamay, inaan saxno ayaana rabnaa, dadka dulmiga la dhex taagan ciidanka, walaahi uma samri doono, adduunka waxaa u qaalisan naf iyo maal, wiilal gadgaduudan ayaan halkaan ku aasnay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in xaalad khatar ah ay ku jiraan, balse si kale oo u dhaanta aysan maanta jirin in halgankaan ay ka dhabeeyaan.

“Inta ilaahey talo saarano inaan Al-Shabaab qori caaradiis isaga dhicino, waxaan aheyn nooma fura, hadii shalay Cali Jeyte oo kaliya ay raadinayeen, maanta gabadha baadiyahaan ariga ku ilaashata xitaa Al-Shabaab waa dilaayaan, ee dhulkaan aan ilaashano,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte Cusmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.