Ciidamada DDS iyo Malleeshiyaadka Canfarta oo ku dagaallamay Gobolka Liibaam

Jig Jiga (Raxamreeb) — Ciidamada Dowlad-Deegaanka Soomaalida & Malleeshiyaad katirsan Oromada ayaa ku dagaallamaya Gobolka Liibaan gaar ahaan Magaalada Guradhamoole, dagaalkaan oo socda in ka badan 8 saac ayaa sababay Dhimasho, Dhaawac & Barakac Dadka rayidka ah.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Malleeshiyaadka Oromada ay sal kiciyeen Dadka deegaanka si ay isugu ballaariyaan Gobolka Liibaan, boqollaal ruux oo rayid ah ayaa isaga tagay Deegaanno dhowr ah oo Oromadu culeys saartay.

Waxaa guuldarreystay dadaallo lagu dhexdhexaadinayo Ciidanka ka kala tirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida & Oromada si xal loogu raadiyo waxa sababay dagaalka socda saacadaha Badan.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka mashquushay wax ka qabashada isku dhacyada Qowmiyadaha kaddib markii ciidankeeda ay isugu geysay ismaamulka dhaca Waqooyiga Dalkaas ee Tigray.

Qowmiyadaha qaar ayaa ku duulay qowmiyadaha ay xad wadaagga yihiin oo ay u arkaan in ay ka sal kicin karaan dhulka ay deggen yihiin si ay uga faa’iideystaan dagaalka u dhaxeeya Ismaamulka Tigray & Xukuumadda Itoobiya.

Canfarta & Oromada waxa ay duullaan qaawan ku waadeen dhulka Soomaalida ee Dowlad-Deegaanka, halka Tigray ay dhul ka qabsatay Qowmiyadda ay xad wadaagga yihiin ee Amxaarada, waxa ay tallaabooyinkaas ay dhaliyeen isku dhacyo qowmiyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.