Caro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

Caro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

Peru (Raxanreeb) — Caro ka dhalatay dilka gabar 18 sano jir ah, oo uu gubay nin xirrir kala dhexeeyay ayaa aad looga dareemayaa gudaha dalka Peru.

Katherine Gómez ayaa go’aansatay inay soo afjarto xirrirkooda balse ninkan oo go’aankeeda ka falceliyay ayaa gabadha ku gubay barxad ay dadka isugu yimaadeen.

Kadib lix maalmood oo ay isbitaalka ku jirtay, Jimcihii ayay dhawaacyadii soo gaaray u geeriyootay .

Eedeysanaha weerarka geystay, ayaa lagu magacaabaa Sergio Tarache Parra, kaas oo aan lllaa hadda la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Arintan ayaa dalka ka yaabisay, kadib markii la sheegay in boolisku ay dhawr maalmood ku qaadatay inay amar ka soo saaraan kiiskan hadalhaynta badan dhaliyay.

Dina Boluarte, ayaa tiri: “Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka waa in la joojiyo. Dumarku maaha hantida ninka qaba.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay bixinayso abaal-marin dhan 50,000 soles qiyaastii $13,000oo doollar qofkii soo hela xog ku saabsan eedeysanaha, Tarache Parra.

Bbc