Dowladda suurtagal ma u  tahay in ay bilowday wajiga 2aad howlgalada

Dowladda suurtagal ma u  tahay in ay bilowday wajiga 2aad howlgalada

Muqdisho (Raxanreeb ) Wajiga labaad ee howlgalada ka dhank ah kooxda Al – Shabaab ayaa lagu wadaa inuu ka bilowdo deegaano ka mid ah gobolada dalka.

Inta badan ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano badan oo  ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  dhaq dhaaq waxa ay ka wadaan deegaano badan oo ka tirsan  gobolada koonfura iyo bartamaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay qaban doonaan , deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin  gobolada qaar ee dalka.’

Waxa ay ku warameen in howlgalada ay ka duwaanaan doonaan kuwii hore maadama ciidanka dowladda  hakad uu ku yimid howlgalkooda.

Ciidamo – fara badan oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxa ay gaareen deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan halkaas oo la sheegay in ay ka mid tahay meelaha ay ka bilaaban doonaan howlgalada.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay bilaabi doonaa wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Si kasta Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay ku sugno amniga inkastoo aan muuqan dadaalkii loo baahnaa sida ay sheegayaan falanqeyayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.