Muqdisho (Raxanreeb ) Taliska ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in talaabo ay ka qaadi doonaan saraakiisha sii daysa kooxa cayaal-weerarada ee lagu soo qabto howlgalada.
Taliye Mahdi Macallin ayaa ku canaantay saraakiisha ciidanka sii daynta bilaa maxkamad la’aan cayaal wareerada ciidanka gacanta lagu soo dhigay.
Waxa uu sheegay Taliyaha in aan la aqbali doonin saraakiisha ay sii dayaan , dadka loo haysto falalka la xiriira kooxaha cayaal weerada.
Taliyaha ciidanka booliska gobolka ayaa xusay in ay hayaan kiisas badan oo la xiriira sii daynta cayaal-weero loo soo qabtay falal amni darro , isla markaana ay noqotay mid soo noq- noqotay.
‘Ma ‘ah waxa la aqbali karo in la sii daayo cayaal-weero la soo xiray waxan idin balan qaadaynayaa in sarkaalkaas sidaas sameeya bulshada laga hor leexin doono ‘’ ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir.
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili ciidanka Dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin wax ka qabashada dhibaatada la xiriirta maandooriyaha iyo cayaal-weerada
Leave a Reply