Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu ka codsanayo hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa in ay baaritaan ku sameyaan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin qandaraasyo la kordhiyay oo lagu dayactirayo guryaha qaaliga ah ee wasiirada.
FAALLO : Bandhigyada Hay’adda NISA Waa karti xumo ?!!
Muqdisho (Raxanreeb ) Hufnaanto shaqo ee Hay’adda NISA ayay dad badan aaminsan yihiin in shaki badan ay galin karto bandhigyada lagu xayaysiinayo shaqada Hay’adda oo xargaha goystay. Dhallinyaro , isticmaasha baraha bulshada ee ku wanaagsan dacaayadaha ayay Hay’addu howlgalisay bedelkii xoogga ay saari lahayn shaqadeeda saxda ah ee xooraansiga iyo keenista xog lagu duuli karo...
Mareykanka iyo Sucuudiga oo ku khasbaya xabbad joojin labada dhinac ee Sudan
War kasoo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ee ka kala amar-qaata Janaraal Cabdifitaax Al-burhaan iyo Jananka kale ee sida gaarka ah u maamulo RSF ay gaareen xabbad-joojin muddo todobaad ah soconeysa.
Maxay kawada hadleen Cabdikariin Guuleed iyo Axmed Madoobe
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.
Ciidamada kenya oo billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xadka uu Soomaaliya la wadaago dalkaasi
Kenya Ciidamadeeda ammaanka oo billaabay howlgallo lagu sugayo amniga deegaannada Dalkaas ee xiga dhanka Xadka Soomaaliya si looga hortago in dagaallamayaasha katirsan Ururka Al-Shabaab ay gudaha u galaan dalka Kenya.
Weerar lagu qaaday Safaaradda Qatar ee Suudaan
Khartoum (Raxanreeb ) Weerar xoogg badan ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday dhismaha safaarada Qatar ay ku leedahay dalka dagaaladu ay ka socdaan ee Suudaan gaar ahaan caasimadda Khartoum Warbaahinta dalkaas ayaa tabisay muuqalada weerarada lagu qaaday safaarada , halkaas oo la sheegay in laga qaatay dhamaan agabyadii yiilay , waxaana safaarada ka maqnaa...
MANDHEERA : Kenya oo ciidamo fara – badan ku soo daadisay
Mandhera (Raxanreeb ) Ciidanka amniga Kenya ayaa howgal ka fuliyay xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee dhawaan labada dowladood ay sheegeen in dib loo furayo. Dad ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ciidanka baaritaan ay ku bilaabeen dadka ka gudbiya iyo kuwa ka soo gudbanaya xuduuda. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in howlgalkan ...
ATMIS oo dhaxgashay Soomaali khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay
Bardaale (Raxanreeb ) Howlgalka ATMIS ee midowga Afrika ayaa sheegay in xal rasmi ah ay ka gareen khilaaf ka dhashay arrimo gargaar oo ka jiray deegaano ka mid ah koonfur Galbeed Soomaaliya. Khilaafkan ayaa ka jiray muddo badan degmada Bardaale ee gobolka Baay sida lagu sheegay war ka soo baxay howlgalka ATMIS. Saraakiil ka socotay...
Codeynta doorashada ku celiska ah ee Turkiga oo bilaabatay
Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.
NISA oo dekedda markale ku qabatay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta markale dekedda Muqdisho ku qabatay Konteer siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.







