FAALLO : TAREENKA Xasan Sheekh oo laga daadanayo !!

FAALLO : TAREENKA Xasan Sheekh oo laga daadanayo !!

Muqdisho (Raxanreeb ) 11- Bil ayay jirtaa Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana sanad wax ka yar  hadda soo baxaya warar  ku saabsan in Daljir & Damjadiid oo  awood qaybsiga Dowladda ku midoobay ku kala dareerayaan Dowladda  Hadda jirta.

Warkan xooggiisa waxa uu soo baxay maalmo uun  ka hor markii ay soo baxeen shirar gooni gooni ah oo xubnaha Dajir ee la midoobay Damjadiid si qarsoodi ah ay ugu  ku yeesheen caasimada kuwaas oo ka dhanka ah Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ka horeeyay shirarkan Daljir  , kulamo beeleedyo is – daba joog ahaa kuwaas oo dhamaantooda Dowladda Xasan Sheekh loogu sheekayay in ay lumisay kalsoonida beelaha iyo awood qaybsiga Dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Bandhig shaki badan abuuray ayaa xubno ka mid ah Daljir  waxa ay ka sameeyeen caasimadda taas oo la leeyahay waxa ay keentay in Madaxwaynaha Soomaaliya si kulul uga hadlo xorgufta  ku saabsan shirarka ka dhanka ah Dowladiisa .

‘’ Waa laga sii daadanayaa , laguma qanacsana , hanaanka  ay wax u maarayso Dowladdu sax ma ah  , waa  la haray & erayo kale oo badan waa waxa hadda dhaxyaala Villa Soomaaliya oo sugaysa waddo dheer oo ku xaliso cabashada soo  baxaysa , hadana soo badanaysa.

Xubnaha Daljir ayaa u muuqda  in markan ay liigaan oo ay ka – harayaan Tareenka Xasan Sheekh , tanina waxa loo soo tusaalle qaadanayaa in gabi ahaanba laga reebay xubnaha safaradii ugu danbeeyay ee Xasan Sheekh ee uu ku tagay gudaha dalka iyo dibadda.

Isagoo  u muuqda inuu u toog hayo mushkiladaha siyaasadeed ee haraynaysa Dowladdiisa ayuu sheegay in dadaal badan ay  ku bixiyeen qancinta beelaha , laakiin wali ay muuqato tabasho uusan ogayn sida ay tahay in loo xalin karo.

Dowladii la dhisay 15kii May ee Madaxwaynaha  ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud waxa  wadaag ku noqday daljir iyo Damjadiid kuwaas oo dagaal xooggan la galay xukuumaddii Nabad & Nolol ee ugu danbeyn meesha laga saaray.

Labada dhinac ayaa isla dhisay xukuumad , dhismaheeda iyo awood qaybsigeedu ku timid labada dhinac  ee Daljir iyo Damjadiid  taas oo hadana lagu saleeyay  hannaanka awood qaybsiga dalka ee 4.5 , waxase wali muuqata in labada dhinac is qaadan karin lamana oga  halka uu sal dhigan doono dagaalka huursan ee Daljir

WD Hanad Ali Guled

Raxanreeb- Mogadishu

Leave a Reply

Your email address will not be published.