Ciidamada badda Mareykanka oo qabtay markab hub ah

Cuman (Raxanreeb) — Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii.

Waxay ahayd qabashadii ugu dambeysay ee hub la sheegay in uu ku socday dalka ugu saboolsan dunida Carabta, waxaana qabtay ciidamada ilaalada xeebaha ee USS Chinook.

Timothy Hawkins, oo ah afhayeenka kooxda shanaad ee ciidamada badda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inay qabtay qoryahan oo ahaa nooca Kalashnikov ah oo midmid lagu soo duubay koollo cagaaran.

Khubarada baarayay sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa markii dambe sheegay in hubkan uu u muuqday qoryaha T-56 ee Shiinaha lagu sameeyo iyo Molot AKS20Us oo Ruushku sameeyay.

“Markii aynnu qabanay markabka, waxa uu ku socday waddo taariikhiyan loo isticmaali jiray in lagu soo raro shixnadaha sharci darrada ah ee Xuutiyiinta Yemen,” ayuu Hawkins u sheegay Associated Press.

Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in hubka lagu wareejiyo Xuutiyiinta tan iyo 2014-kii, markaasoo uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.