Shirka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya Shirka Sanadlaha ah ee looga hadlayo Garsoorka Dalka waxaana diiradda lagu saarayaa dhowr qodob sida lagu sheegay war hordhac ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Sanadkaan waxaa shirkaan hal heys looga dhigay ‘Federaaleynta Garsoorka Dalka’ iyada oo doodo, khudbado & aragti wadaag ay ka sameynayaan mas’uuliyiin uu ugu derajo sarreeyo Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka XFS Xasan Macalin.

Shirka waxaa lagu casuumay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay oo daneynaya arrimaha Garsoorka Dalka si ay ugu biirayaan talooyinkooda.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegtay in wax ka qabashada caddaalad darrada ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii meesha looga saari lahaa cabashooyinka ka jira garsoorka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.