Ciidamada Danab oo burburiyay Saldhiggii ugu weynaa ee Qaraxyada

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Danab ayaa maanta burburiyay Saldhigii ugu weynaa ee Ururka Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa maanta oo Khamiis ah waxay howl-galkani lagu burburiyay xarunta muhiimka u aheyd Al-Shabaab ay ka fuliyeen agagaarka Tuulada Tixsiile iyo Garas Gawaan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa wada howl-gallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale xalay burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagar-qabayaasha Al-Shabaab.”

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaas ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howl-gallo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.