Burco oo laga diidan- yahay Madaxwaynaha Somaliland.

Burco (Raxanreeb ) Magaalooyin ka mid ah Somaliland waxaa ka sii soconaya banaanbaxyada lagu diidan – yahay in xukunka isku sii dhejiyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mudaharaad xooggan oo lagu diiddan yahay socdaalka Madaxwayne Muuse Biixi ku tago Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ka socda magaalada Burco.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku qaylinayay hadalo ka dhan ah Madxwaynaha Somaliland oo lagu eedeeyo xukun jecel iyo inuu baal-maray in si nabad ah xukunka la isugu dhiibo.

Waddooyinka magaalada Burco ayaa lagu dhejiyay hal- dhigyo dadka ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan , sida ay u diidan – yihiin in magaalada Burco uu soo booqdo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Magaalooyin badan oo Somaliland ah waxaa ka – dhacayay dibadbaxyo waxyeelo sababay oo salka ku hayay in Somaliland ay ka dhacdo – doorasho la isla ogol yahay.

Heshiis la’aanta doorashooyiinka iyo burburka wada-xaajoodyada muxaafidka iyo mucaaradka ayaa sababay in dadka ay dhigaan banaanbaxyo waawayn oo dhaliyay khasaaro iyo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.