Ciidamada Dolwadda Federaalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Beer Xaano

Baladweyne (Raxanreeb) — Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo garab ka helay kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanku weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo. Sida lagu yiri war ka soo baxay Dowladda.

Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka uu geestay Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyaga oo sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano iyo Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu ka furmay shir looga hadlaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas uu shirguddoominaya Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya kuwaas oo maanta soo gaaray Dalka.