Muqdisho(Raxanreeb)Magaalada Muqisho waxaa ku soo dhamaaday goor dhaw shirka madaxda dalalkooda ciidanka ay ka joogaan kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda.
Shirkan inta uu socday ayaa madaxda wadamada safka hore waxay isku raaceen 15 – qodob :
01. In la tixgeliyo madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.
02. Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab.
03.Shirka waxaa lagu sheegay sida ay Africa uga go’an tahay sii wadidda taageerada laga siiyo Dowladda Federalka Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jirto xoreynta dalka.
04. Waxaa la bogaadiyey dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
05. Waxaa la xusay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka gaartay Gobollo badan oo ay Ciidanka Soomaaliya iyo ATMIS kala wareegeen Alshabaab.
06. La bogaadiyey horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo casriyeynta ciidanka qalabka sida.
07. Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.
08. Waxaa carrabka lagu adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo Istaraatiijiyad adag oo ka dhan ah Alshabaab.
09. La isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
10. La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.
11. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo.
12. Waxaa la soo dhaweeyey codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda ciidamada.
13. Waxaa la codsaday in saaxiibbada caalmiga ah inay Soomaaliya ka taageeraan dadaallada xasilinta ah ee ka socda goobaha dhawaan la xoreeyey si loogu fududeeyo Dowladda Soomaaliya sidii ay kor ugu qaadi lahayd gaarsiinta adeegyadeeda deegaannadaas.
14. Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.
15. Waxaa aad carrabka loogu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha nidaam isku xiran oo lagu sugo amniga xudduudaha kaas oo loola danleeyahay in lagu ciribtiro argagixisada isaga gudubta xudduudaha, laguna xaqiijiyo ganacsi sharci ah oo isu gudba.
Leave a Reply